U bood dhigaalka

Guddoonka Golaha Shacabka oo Afisyooni Barri Lagu Doonayo, Imisa Musharrax Ayaa U Taagan

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa maalinta Barri ah lagu wadaa in magaalada caasimadda ah Muqdisho ay ka dhacdo doorashada guddoonka golaha shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuurioyadda federalka Soomalaiya, waxaana 27-ka April tahay maalinta loo asteeyay, waxaana doorashadu ay ka dhici doontaa Teendhada Afisyooni ee xerada Xalane.

Guddoonka golaha shacabka u taagan musharraxiin gaaray 25 musharrax, kuwaas oo u kala tartamaya kursiga guddoomiyaha, ku-xigeenka 1-aad iyo ku-xigeenka 2-aad, kursiga ugu sareeyo ee guddoomiyaha ayaa waxaa u sharraxan 8, waxaana la saadaalinayaa inuu ka dhici doono tartan adag marka la eego musharraxiinta u taagan.

Magacyada musharraxiinta guddoomiyaha  golaha shacabka.1-

1- Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed musharrax guddoomiyaha golaha shacabka.

2- Xildhibaan Cabdullahi Aadan Axmed Black musharrax guddoomiye golaha shacabka.

3- Xilshibaan Aadan Maxamed Nuur Saransoor musharrax guddoomiye golaha shacabka.

4-Xildhibaan Xasan Cabdi Nuur musharrax guddoomiye golaha shacabka.

5-Guddoomiyihii hore Maxamed Mursal Sheekh  musharrax guddoomiye.

6- Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla musharrax guddoomiyaha golaha shacabka.

7- Xildhibaan Sidiiq Cabdullaahi Cabdi musharrax guddoomiye golaha shacabka.

8- Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe musharrax guddoomiye golaha shacabka.

Marka laga tago guddoomiyaha waxaa kursiga ku-xigeenka koowaad u tartamaysa 10 musharrax

Magacyada musharraxiinta guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka

1- Xildhibaan Abdikariim Cadow Xeyday, musharrax guddoomiye ku-xigeenka 1-aad.

2- Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdulqaadir Cadde musharrax guddoomiye ku-xigeenka 1-aad.

3-  Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye musharrax guddoomiye ku-xigeenka 1-aad.

4- Xildhibaan  Maxamed Cabdalla Axmed musharrax guddoomiye ku-xigeenka 1-aad.

5- Xildhibaan  Maxamed Cali Cumar Caananuug musharrax guddoomiye ku-xigeenka 1-aad.

6-  Xildhibaan Maxamed Nuur Abuukar musharrax guddoomiye ku-xigeenka 1-aad

7-  Xildhibaan Maxamed Cumar Cameey musharrax guddoomiye ku-xigeenka 1-aad

8 – Xildhibaan Maxamed Cabdulqaadir Xaaji musharrax guddoomiye ku-xigeenka 1-aad.

9- Xildhibaan  Sacdiya Yaasiin Xaaji musharrax guddoomiye ku-xigeenka 1-aad

10- Xildhibaan Saciid Maxamed Maxamuud musharrax guddoomiye ku-xigeenka 1-aad.

Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee golaha shacabka ayaa waxaa u tartamaya 7 musharrax.

Magacyada musharraxiinta guddoomiye ku-xigeenka 2-aad  ee golaha shacabka 

1- Xildhibaan Cabdullaahi Cumar Abshirow musharrax guddoomiye ku-xigeenka 2-aad

2- Xildhibaan Axmed Aadan Axmed musharrax guddoomiye ku-xigeenka 2-aad.

3- Xildhibaan Asad Cabdirisaaq Maxamed musharrax guddoomiye ku-xigeenka 2-aad

4-Xildhibaan  Ayuub Ismaaciil Yuusuf musharrax guddoomiye ku-xigeenka 2-aad.

5- Xildhibaan Mahad Cabadalla Cawad musharrax guddoomiye ku-xigeenka 2-aad

6- Xildhibaan Maxamed Xuseen Abuukar Gaaraxo musharrax guddoomiye ku-xigeenka 2-aad

7- Xildhibaan  Saciid Maxamed Cali musharrax guddoomiye ku-xigeenka 2-aad

Doorashada guddoonka ggolaha shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ayaa lagu wadaa in barri ay ka dhacdo magaalada caasimadda ah  ee Muqdisho, waxaa xilalalka kuraastaan Baarlamaankii 10-aad ku fadhiyey Maxamed Mursal Sheekh guddoomiye  Cabduwali Ibraahim Muudeey  ku-xigeenka 1-aad iyo Mahad Cabdalla Cawad 2-aad.

Goobjoog News