U bood dhigaalka

Guddoonka Golaha Shacabka Oo La Kulmay Guddiga Dhameystiraya Xeerarka Sharciga Doorashooyinka

Sheeko:Dalka

Waxaa xalay magaalada Muqdisho kullan ku yeeshay guddoonka golaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo guddiga dhowaan la magacaabay ee diyaarinta xeerarka dhameystiraya sharciga doorashooyinka qaranka.

Kullankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku xgeenka 1-aad ee golaha shacabka Cabdiwali Ibraahim Muudeey iyo guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mahad Cabdalla Cawad, waxaana ay sheegeen in labada dhinac ay is dhaafsadeen xog wareysi ku aaddan shaqooyinka laga doonayo maadaama dalka uu doorasho galayo 2020-2021.

Guddiga diyaarinta xeerarka dhameystiraya sharciga doorashooyinka oo ka kooban 17 xubnood ayaa waxaa si wada jir ah 1-dii bishan u magacaabay labada guddoon ee baarlamaanka Soomaaliya, waxaana looga fadhiyaa in ay soo saaraan xeerarka sharciga doorashooyinka qaranka.

Qoraal shalay ka soo baxay guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka ayaa waxaa guddigan isku dhafka ah looga dalbaday in ay dedejiyaan xeerarka sharciga doorashooyinka maadaama guddiga doorashooyinka bartamaha sanadkan laga sugayo in ay si rasmi ah ugu dhawaaqaan nuuca doorasho ee uu dalka gali doono.

Wali Guddiga doorashooyinka waxa ay ku adkaysanayaan in dalka ay ka dhici karto doorasho qof iyo cod ah, inkastoo aan la ogeyn sida ay u suura gali karto.

Goobjoog News