U bood dhigaalka

Guddoonka Golaha Shacabka Oo Magacaabay Guddi Soo Baara Dhacdooyinkii Gaalkacyo iyo Dhuusamareeb

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoonka Golaah Shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh, ayaa guddi u saaray baaritaanka shaqaaqooyinkii ka dhacay magaalooyinka Gaalkacyo iyo Dhuusa-marreeb ee Galmudug

Gudoomiyaha ayaa magacaabay guddi ka kooban  13 xubnood oo xildhibaano ah, ayadoo loo idmaday in ay baaritaan ku soo sameyaan dhacdooyinkii   dhawaan ka dhacay magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo ee deegaanada Galmudug, taas lagu dilay dad ka soo jeeday deegaanada Koofur galbeed Soomaaliya.

Gudiga ayaa waxaa ka mid ah xildhibaano Miisaan ku leh golaha shacabka,  ayagana oo tagi doona goobihii ay wax ka dhaceen si ay soo celiyaan xog ku aadan wixii dhacay.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi.

Xildhibaan Cali Jaamac Jangeli,.

Xildhibaan Cabdullaahi Abuukar Xaaji,

Xildhibaan Cali Sheekh Maxamed Nuur.

Halkaan ka aqriso

 

Goobjioog News