U bood dhigaalka

Guddoonka Guddiga Farsamo ee Doorashada Galmudug oo La Doortay

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta magaalada Dhuusamareeb lagu doortay guddoonka farsamada doorashada dowlad goboleedka Galmudug.

Cabdinasir Geelle ayaa noqday guddoomiyaha guddiga farsamada halka Axmed Caafi loo doortay ku-xigeenkiisa.

Guddigan waa midka ay horay u magacawday wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda federaalka laakin waxaa jiro guddi uu isna magacaabay wasiirka 1aad ee Galmudug Sheekh Shaakir.

Siyaasad ahaan Dhuusamareeb ma degana, oo waxaa dhaqdhaqaaqyo wada ciidamo kala duwan ee Ahlu sunna iyo kuwa kale ee dowladda federaalka

Goobjoog News