U bood dhigaalka

Guddoonka KMG-ka ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo Magacaabay Guddiga Doorashada Guddonka Baarlamaankaasi

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha ku meel gaarka ah ee baarlamaanka cusub ee Koonfur galbeed Soomaaliya Xasan Cabdinuur Aadan ayaa magacaabay guddiga diyaarinta doorashada guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeennadiisa oo dhowaan la filayo in ay ka qabsoonto magaalada Beydhabo ee caasimadda maamulkaasi.

Marka uu guddoomiye Xasan Cabdinuur tix galiyay Kullan golaha baarlamaanka dowlad goboleedka  ay ku yeesheen magaalada Beydhabo ayaa waxa uu magacaabay guddi ka kooban 15 xubnood kuwaas oo diyaarin doon doorashada hogggaanka baarlamaanka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Kulanka ayaa waxaa soo xaadiray 89 mudane kuwaas oo dhammaan cod gacantaag ah ugu codeeyey guddiga mana jirin cid diiday ama ka aamustay marka laga reebo 6 mudane oo ka maqnaa fadhiga kulanka aan soo xaadirin.

Guddiga diyaarinta doorashada guddoomiya baarlamaanka Koonfur Galbeed  iyo ku xigeennadiisa ayaa la filayaa in ay dhexdooda iska doortaan guddoomiye iyo ku-xigeenno oo dardargelindoona sidii loo dooran lahaa guddoomiyaha labaad ee baarlamaanka iyo labadiisa Xigeen.

Halkan ka akhriso magacaabista

Goobjoog News