U bood dhigaalka

Gudiga Abaaraha Gedo oo xaalad adag kasoo sheegay deegaano badan (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Gudiga Abaaraha gobalka Gedo ayaa sheegay in in ay kasii darayso xaaladda ay ku nool yihiin dad badan oo ku dhaqan deegaano ka mid ah gobalka Gedo, ayna jirto xaalad adag.

Aadan Xasan Xareed oo ka mid ah gudigaasi ayaa u sheegay Goobjoog Fm in hadda ay kasii dartay abaarta, welina aanay helin kaalmooyin ku filan dadka ku dhaqan deegaanada sida daran u saameeysay abaarta.

Laba qof ayuu sheegay in loo soo sheegay in ay ku dhinteen deegaan fog oo Gedo ah kuwo kalena noloshooda ay halis ku jirto waa sida uu hadalka u dhigaye.

Gobalka Gedo ayaa ka mid ah meelaha ugu daran ee abaartu ka jirto, waxaana jira gudiyo is xilqaamay oo wada dadaalo biyo lagu gaarsiinaayo deegaanada daran.

Goobjoog Fm