U bood dhigaalka

Gudiga Farsamo ee ku howlan dhismaha maamulka Koonfur Galbeed oo war kasoo saaray qoraalkii madaxda dowladda (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Gudiga Farsamada ee ku howlan dhismaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa ka hadlay qoraal si wadajir ah ay dhawaan usoo saareen madaxda dowladda Federaalka ee Soomaaliya, taa oo ku saabsan hakinta shirka lagu dhisaayo maamulkaasi.

Gudoomiyaha gudigaasi Maxamed Xasan Fiqi oo saxaafadda la hadlay isaga oo ku sugan magaalada Baydhaba, waxaa uu sheegay in qoraalkaasi aanay wax saameyn ah ku yeelan doonin, howlaha ku aadan dhismaha maamulka Koonfur Galbeed.

Warqadaan ku aadan hakinta shirkaan ku saabsan dhismaha maamulka Koonfur Galbeed ayuu sheegay in aysan ahayn mid iyaga si gaar ah loo soo gaarsiiyay, sidoo kalena ay tahay mid warbaahinta ay ka arkeen.

“Waxaan u cadeyneynaa madaxda sare ee dowladda Soomaaliya, iyo beesha caalamka in warqadan aysan noo soo gaarin si gaar ah, sharciyo badanna ay ka maqan yihiin, madaxda dowladda waxaan ka codsaneynaa hadii uu go’aankooda kan yahay in ay warqad cad oo si toos ah noogu soo sheegaan, ama ay warqadaan ka akhriyaan warbaahinta dalka, inta ka horeysa wax hakan doono ma lahan, anaguna ilaa dowladda amarkeeda rasmiga ah la helo, howsha wey socon doontaan”

Dhawaan madaxda sare ee dowladda Soomaaliya waxay soo saareyn, warqad ay ku amrayaan in gabi ahaanba la hakiyo shirka lagu dhisaayo maamulka Koonfur Galbeed ee ka socday magaalada Baydhaba.

Halkaan hoose ka dhageyso

Goobjoog News