U bood dhigaalka

Gudiga maaliyadda Baarlamaanka oo ka shiray miisaaniyadda dowladda ee 2015 (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Gudiga maaliyadda Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan xasaasi ah ka yeeshay miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2015.

Gudoomiyaha Gudigaasi Xildhibaan Maxamed Idile Geedi ayaa u sheegay Goobjoog Fm in kulankooda uu ahaa dood ay ka doodayeen miisaaniyadda sanadka soo socda, islamarkaana qodobo badan kasoo saareen.

Sidoo kale waxa uu sheegay xildhibaanka in ay ka hadleen arinta ku saabsan muranka u dhaxeeya maamulka Gobalka Banaadir iyo sidoo kale wasaaradda Maaliyadda dowladda Soomaaliya.

Xildibaanka ayaa dhanka kale tiilmaamay in qodobada ay soo saareen iyo sidoo kale dejinta xisaabaadka ay sameeyeen ay geyn doonaan xarunta golaha shacabka Soomaaliya.

Halkaan hoose ka dhageyso Wareysiga.

Goobjoog News