U bood dhigaalka

Gudiga Maamul u Sameynta Gobolada Dhexe oo Ansixiyey Xeer Hoosaadkooda

Sheeko:Dalka

gudiga maamul u samaynta gobolada dhexeWarar lagu kalsoonaan karo oo ay heleyso Goobjoog ayaa waxa ay sheegayaan in gudiga farsamada ee maamul u sameynta gobolada dhexe ay ansixiyeen xeer hoosaadkii ay ku shaqeyn lahaayeen, xili hawlihii maamul u sameynta la dardar galinayo.

Hawlaha maamul u sameynta gobolada dhexe ayaa muddo dheer soo jiitamayay, inkasta oo uusan ahayn maamulada la’isku heys heysto.

Dhawaan ayuu madaxweynaha sheegey in la dardar galin doono hawlaha maamul u sameynta gobolada dhexe, lana soo gabogabeyn doono.

Gudiga Farsamada ayaa daraad Goobjoog u sheegey in ay sugayaan inta ciidamada AMISOM laga geynayo magaalada Cadaado oo shirka lagu qabanayo si ay amniga u sugaan.

Xeer Hoosaadkani ay hadda meelmariyeen ayaa waxa uu gacan ka siinayaa sidii ay u maamuli lahaayeen shirka, iyada oo ay u taalo shaqo culus oo ku saabsan soo xulista ergada shirka, iyo waliba maareynta shirka.

Nooma suurogalin in aan helno nuqul ka mid ah xeerka oo noqonaya mid ka mid ah dokumendiyada asaaska u ah maamulka gobolada dhexe.

Goobjoog News