U bood dhigaalka

Halis ka dhalan karta fatahaada Wabiga Shabelle oo laga digay (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Gudiga Maareynta Musiibooyinka Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in hadii aan wax laga qaban fatahaada wabiga ay keeni karto in qatar ay gasho nolosho dad badan oo ku nool Degaanada Gobolkaasi.

Gudoomiyaha gudigaasi Cismaan Maxamed Mukhtaar oo u waramay Goobjoog Fm, ayaa sheegay in ay jiraan deegaano badan oo wabiga uu ku fatahay, islamarkaana dad badan ay halis ku jirto noloshooda.

Dadka ayuu sheegay in ay ku dhex jiraan biyaha, lagana yaabo in noloshooda ay dhibaato soo gaarto maadaama aysan haysan gambaad iyo wax ay cunaan.

Ka gudi ahaan ayuu sheegay in ay wadaan dadaalo xoogan oo ku saabsan caawinta dadkaasi, sidoo kalena waxa uu sheegay inay gaareen deegaanada Wabiga uu fatahay.

Halkaan hoose ka dhageyso Wareysiga.

Goobjoog News