U bood dhigaalka

Gudiga Shirka Garbahaareey oo ka warbixiyay ciidamo is hortaag ku sameeyay shirkaasi (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Guddiga shirka magaalada Garbahaarey ayaa sheegay inuu shirka marayo meel wanaagsan kadib markii saaka ay soo ifbaxeen warar sheegaya in in habsami u socodka shirka la qal-qal galiyay.

Afhayeenka shirkaasi Maxamed Aadan Cali ayaa sheegay in shirku uu yahay mid si wanaagsan ku socda isla markaana ay jiraan ciidamo isku geedaamay xarunta shirka inkastoo mar dambe la xaliyay.

Shirka, ayuu tilmaamay in maanta looga arrinsanayo arrimo ku saabsan maamulka Jubba, wuxuu sheegay in ergada ay sidii caadiga ahayd kaga qeyb galayso shirka, oo uusan jirin wax isbedel ah.

Waxaa jiray warar sheegaya in ciidamo hubaysan ay maanta gelinkii hore qal qal ku beereen dhamaan ergadii ka qeyb galaysay shirkaasi ka dib markii ay isku gadaameen howlkii shirarka ka socday.

Halkaan hoose ka dhageyso Wareysiga

Goobjoog News