U bood dhigaalka

Guddoomiyaha barlamaanka oo Kampala ku soo xiray shir u socday barlamaanka iyo hay’adaha taageera

Sheeko:War
Mudane Jawaari oo hadal ka jeedinaya shirka
Mudane Jawaari oo hadal ka jeedinaya shirka

Guddoomiyaha Golaha SHacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa maanta gelinkii dambe magaalada Kampala ee caasimadda Yugandha ku soo xiray shir u socday Guddoonka barlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha taageera barlamaanka Soomaaliya.

Shirkan oo muddo laba cisho ah ka socday hoteelka Emperial Royale ee  Kampala waxaa ka qayb galay guddoomiyaha barlamaanka Federaalka Soomaaliya  Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, guddoomiye ku xigeenka Labaad ee barlamaanka  Mahad Cabdalla Cawad, xildhibaano ka tirsan
barlamaanka,agaasimeyaal ka tirsan barlamaanka iyo inta badan hay’adaha
taageera barlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee barlamaanka Federaalka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad oo kulankaasi markii uu soo geba gaboobay kadib faah faahin ka bixiyay waxyaabihii looga hadlay ayaa tilmaamay in si wayn la is kula eegay howlaha horyaala barlamaanka Federaalka Soomaaliya muddada labada sano ee soo socota iyo taageerada looga baahan yahay hay’adaha oo ah sidii ay gacan uga geysan lahaayeen qabsoomida howlaha adag ee barlamaanka Federaalka Soomaaliya hor yaala muddada labada sanno ee soo socota.

DHinaca kale  Mahad Cabdalla Cawad, guddoomiye ku xigeenka Labaad ee barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay diyaarinta qorshe-howleedka barlamaanka, kalfadhiga 5aad ee soo socda, taasi oo haatan  ay guddoonka barlamaanka si wayn ugu howlan yihiin dejinta istiraatiijiyad leh jadwal ay ku cad yihiin howlaha la qabanayo Kalfadhiga 5aad oo waqtiyeysan, iyadoo si gaar ah muhiimad loo siinayo in dalkan uu gaaro sanadka 2016ka yoolka la hiigsanayo.

—DHAMAAD—