U bood dhigaalka

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo sheegay in xal loo raadinayo khilaafka u dhaxeeya Madaxda dowladda(Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaario ayaa sheegay kulamo badan ka dib in ay isla garteen xildhibaanada in la xaliyo khilaafka xilligaan ka dhex oogan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Jawaari ayaa tilmaamay in xildhibaanada ay ka codsadeen joojinta mooshinka ka dhanka ah Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh, waxaana uu sheegay in ay islagarteen arintaan.

Xildhibaanada kala taageersan Labada Mas’uul ayuu sheegay in ay is soo hor fariisiyeen, islamarkaana ay isla fahmeen xilligaan in aysan dank u jirin khilaaf dhaca iyo in la kala taageero.

Xildhibaanada kala aragtida ah ayuu sheegay in kulamo gooni gooni ah kuwaa oo isku raacay xal u raadinta khilaafkaan.

Ugu dambeyn ayuu ka dalbaday dhamaan xildhibaanada oo idil inay a qeybqaataan xalinta khilaafka madaxda iyo in loo istaago sidii nabadda loo qaadan lahaa.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News