U bood dhigaalka

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland “Doorashada Ha Noqoto 4.5 Waa Yaan La Dhaafin Halkii La Joogay”

Sheeko:Dalka

Gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa ka hadlay hiigsiga 2016 iyo sidoo kale nooca xilligaan aragtidiisa ay kula haboontahay in loo soo xulo xildhibaannada 2016.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha in siyaasiyiinta iyo madaxda ku talineysa in wax loo qeybsado 4.5 ay kala jeedaan inaan laga sii dhaqaaqin halka la joogo, balse lasii taagno wixii ka dambeeyay 1991-dii xilligaasi oo ay dhacday dowladii uu hogaaminayay Allaha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre waa sida uu hadalka u dhigaye.

‘’Waxna waa Sharci waxna waa waxaan sharci ku dhisnayn,wixii lagu heshiiyay Dastuurka ayay ku qoran tahay,annagu ka Baarlamaan ahaan iyo Xukuumadu wax badan ayaan ka doodnay,shacabkuna Lix goobood ayaan Aragtidooda lagu waydiiyay waxay qaateen aragtidii Dastuurka ku qornayd taasaana sharci ah, doorashada ha noqoto 4.5 waa yaan la dhaafin halkii la joogay ama 1991-kii dib haloogu laabto’’Ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Puntland.

Ugu dambeyn ayuu Gudoomiyaha ku baaqay in Soomaalida oo dhan looga baahan yahay inay taageeraan in doorashada 2016 noqoto mid lagu saleeya hanaanka degmo.

Goobjoog News