U bood dhigaalka

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo tacsi ka diray geerida ku timid Taliyaha Booliiska Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna ku simaha Madaxweynaha Dalka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka tacsiyadeeyey geerida ku timid Allaha u naxariistee Taliyihii Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed General Maxamed Xasan Ismaaciil oo goor dhow ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Ku simaha Madaxweynaha Dalka ayaa yiri “INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN, Hor iyo horaan anigoo ku hadlaya magaceyga,magaca Madaxweynaha,magaca Guddoonka Baarlamaanka iyo magaca Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaan ka tacsiyadeynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid Allaha u naxariistee walaalkeen General Maxamed Xasan oo ahaa Taliyihii
Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed,waxaan Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa jano siiyo,dhammaanteenna uu samir iyo iimaan naga wada siiyo”.

“waxaan tacsi gaar ah u dirayaa Saraakiisha,saraakiil xigeennada,alif leeyda,dableyda iyo dhammaan Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed oo uu taliyuhu u ahaa hogaan waxaanna leeyahay dhammaanteen wuu naga wada geeriyooday ee samir iyo iimaan Alle hanaga wada siiyo,gadaashiisna Alle nama fidneeyo”ayuu hadalkiisa kusoo gebagebeeyey Ku simaha Madaxweynaha Dalka ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Allaha u naxariistee General Maxamed Xasan Ismaaciil oo ahaa taliyaha Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed ayaa goor dhow magaalada Muqdisho ugu geeriyooday xanuun deg deg ah oo kusoo booday.

INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN

—DHAMAAD—