U bood dhigaalka

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Oo Sheegay In La Furi Doono Wadooyinka Xiran Ee Muqdisho

Sheeko:Dalka

Gudoomiyaha cusub ee gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Culusow oo ka hadlay munaasabad ka isaga lagu soo dhaweynayay oo ka dhacday degmada X/weyne ayaa sheegay in la furi doono dhammaan wadooyinka xiran ee ku yaalla magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay in maamulkiisa wax badan uu qaban doono, islamarkaana ay ugu horeyso amniga, nadaafadda iyo furista wadooyinka.

Gudoomiyaha ayaa hoosta ka xariiqay in la furi doono wadooyin xiran oo ku yaalla degmada X/weyne oo ay ugu horeyso waddo dhinac marta xarunta dowladda hoose.

“Annaga waxaan dadka u ballan qaadnay inaan nadaafadda magaalada ka shaqeynayno, inaan amniga ka shaqeynayno, in aan wadooyinka la xirxiray ee gabadha Soomaaliyeed ee foosha qabaneysa ee Isbitaalka dhaqsi la gaarsiin karin oo albaab walba iyo meel walba dhagax lagu goostay inaan fureyno, reer X/weyne waan u billawnay, aqalka dowladda hoose gadaashiisa wadadii ku taallay amniga markii laga sheegtay waxaan dhahnay dadka waddo lagama xiran karo, amniga annaga aan suganno ama aan iska dhaafno laakiinse ganacsiga lama xirayo, waxaan maanta ballan qaadnay wadada Afka hore ka xiran ee gadaasheena marta dhinaca Hotel maleeka inaan ka furno AMISOM meesha ay ka xiratay, annaga waxaan u adeegaynaa shacabka, waxaan nahay adeegayaal, waxaan u adeegaynaa waa shacabka, idinkana waxaan rabnaa inaad nala adeegtiin” ayuu yiri gudoomiyaha gobalka Banaadir.

Qaar ka mid ah wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa loo xiray arrimo la xiriira amniga, waxaana jira wadooyin aanay mari karin gaadiidka shacabka ah.

Goobjoog News