U bood dhigaalka

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan oo Ka Hadlay Dagaallo Ka Dhacay Gobolka Hiiraan

Sheeko:Amniga

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan  ayaa ka hadlay dagaal beel dhowaan ka dhacay deegaanno dhacoa goobolka Hiiraan, goddoomiye Jeyte ayaa sheegay in wax lagu xumaad ay tahay in ay  dhacaan dagaalo u dhaxeeyo Beelo walaalo ah oo isku deegaan ah xili uu  lahadlaayey warbaahinta qaranka.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa diray baaq nabadeed oo ku aadan colaad ka tagaan degaano hoos tago Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan taasi oo sababtay dhimasho iyo dhaawac iyo weliba in la gubo qaar ka mid ah Guryihii ay daganaayeen dadkii colaadaha ka barakacay.

Xaaladda deegaanada ay dagaalada ka dhaceen oo haatan ah mid dagan ayaa waxaa ku baxay Ciidanka Xooga dalka Soomaaliya oo kaashanayo Maamulka Degmada Maxaas iyo odayaasha dhaqanka ee labada dhinac ee uu dagaalku dhaxmaray.

Gudoomiyaha Gobolka Hiraan ayaa u mahadceliyey dhinacyadda ku baxay hakinta colaada kusoo laalaabtay degaanada hoos tago Degmada Maxaas, isagoo ugu baaqay dhincyadda dirirta dhaxmartay oo uu sheegay in ay yihiin dad ehel ah in ay waxwalbo ku dhameeyaan wada hadal , isla markaan muhiimada kowaad siiyaan sidii loo baajin lahaa in uu halkaasi dhiig danbe ku daato.

Mudane Cali Jayte ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka ee labada dhinac ay ceeb ku tahay in halkaas dhiig danbe ku daato asaga oo ugu baaqay in dhaqaalahii ku bixi lahaa dagaalka loo weeciyo in laga shaqeeyo nabad kuwada noolashaha beelaha walaalaha ah ee wada daga.

Ugu danbeyntii Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay lama huraan tahay in labada Maamul ee Gobolka Hiiraan iyo Galgaduud si dhab ah uga wada shaqeeyaan sidii loo damin lahaa Colaadaha kusoo laablaabtay deeganada Hoostago Degmooyinka Maxaas iyo Matabaan.

Goobjoog News