U bood dhigaalka

Madaxa Isku tagga Ururadda Shaqaalaha Soomaaliyeed Oo La Doortay

Sheeko:Dalka

Waxaa Maanta Muqdisho mar kale dib loogu doortay Maxamed Cusmaan in uu noqdo guddoomiyaha  isutagga shaqaalaha Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Isku tagga Ururadda Shaqaalaha Soomaaliyeed ayaa sheegay doorashada kadib inuu waxbadan ka qaban doono xuquuqda maqan ee Shaqaalaha  Soomaaliyeed.

Maxamed Cusmaan Xaaji ayaa intaa raaciyay in ay jiraan dhibaatoyin badan oo ay qabaan shaqaalaha rayidka ah iyo kuwa dowladda waxa uuna sheegay inuu wax ka qaban doono arimahasi .

Wariyaha Goobjoog News ee shirka joogay waxaa uu sheegayaa in Maxamed Cusmaan Xaaji ayaa ku soo baxay codad dhan 98, cod , doorashada waxaa codeeyay in ka badan 115 qof.

Ma jirto xogra rasmi ah oo ku saabsan xaaladda shaqaalaha Soomaaliyeed iyo waxqabadkiisa ku saabsan xiligan cusub kaas oo kaga duwanaan doono 4-tii sano ee la soo dhaafay.

Goobjoog News