U bood dhigaalka

Gudoomiyaha Maxkamada Afgooye “Aniga Kula Hadlayo Seddax Sano Gurigeyga Ma Tagin” (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Afgoye marketGudoomiyaha Maxkamada degmada Afgooye ayaa maanta Goobjoog Fm uga warbixiyay arimo badan oo ku saabsan xagga amaanka, dacwooyinka ay qaadaan iyo arimo kale oo dhanka Garsoorka la xiriira.

Wariyaheena Munasar Maxamed Cabdi oo maanta shaqo ku tagay degmada Afgooye ayaa xafiiskiisa kusoo wareystay Gudoomiyaha Maxkamada degmada Afgooye Dr Aways Maxamed Cabdi, waxaana uu kala sheekeystay arimo u badan shaqooyinka uu hayo.

Ugu horeyn waxa uu ka hadlay qaabka ay dacwadaha u kala qaadaan, waxaana uu sheegay in dacwadda ay u qaadaan si dhex dhexaadnimo ah iyaga oo aan cidna xigsan, sidoo kalena baaritaanno badan sameynaya.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha in qrashka uu wax kusoo bartay ay ahayd canshuurtii dalka, sidaa darteedna ay waajib ku tahay in bulshada uu u sinnaado, iskana ilaaliyo eex iyo wax la mid ah.

Mar uu ka hadlay dhanka amaanka ayuu sheegay in weli aanu jirin amaan wanaagsan oo abuuri kara jawi shaqo, lana gaari doono xilli wadooyinka degmada Afgooye uu ku damaashaado waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Aniga kula hadlaayo gurigeyga Seddax Sano ma tagin, sababta waxay tahay in dadka iyo dalka aan u shaqeeyo, waa la gaari doonaa xilli aan ku damaashaado wadooyinka degmada Afgooye, kanna aniga ayaa leh Ilaahay ayaa isiiyay” ayuu hadalkiisa kusoo koobay gudoomiyaha.

Ugu dambeyn waxa uu ugu baaqay shacabka ku dhaqan degmada Afgooye gaar ahaan hadii ay jiraan dhinacyo wax isku qabsada in markii garta sidii xaqqa ahayd loo kala qaado aanu dhinaca kale rabshad ama wax la mid ah sameyn oo wixii uu saluugaan Racfaan kasoo qaato.

Halkaan Hoose ka dhageyso

Goobjoog News