U bood dhigaalka

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Dalka Oo Ka Qeybgalaya Shir Ka Dhacaya Dalka Tanzania

Sheeko:Dalka

Gudoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Abuukaate Cabdullaahi Caydiid Ilka Xanaf ayaa maanta ka amba baxay magaalada Muqdisho, isaga oo ka qeybgalaya shirka Sanadlaha ah ee ay isugu yimaadaan Gudomiyayaasha maxkamadaha sare ee dalalka Afrika.

Ilka xanaf oo inta aanu magaalada Muqdisho ka bixin waxa uu saxaafadda uga warbixiyay waxyaabaha shirkaan looga hadlayo iyo sidoo kale cidda kasoo qeybgalaysa.

Shirkaan ayuu sheegay in uu billawday sanadkii Hore, islamarkaana la’isla gartay in Sanad walba sidaan oo kale ay gudoomiyayaasha isugu yimaadaan.

Waxa uu tilmaamay in ra’yi badan la’is dhaafsan doono, islamarkaana waxa ugu weyn shirka looga hadlayo tahay arrimaha xuquuqda aadanaha.

“Ra’yi badan ayaa la is dhaafsadaa, xagga dastuurka, xagga dacwadaha, xaquuqul insaanka ayaa looga hadli doonaa, maxkamadda ugu sareysa ee Qaaradda Afrika ayaa soo qaban qaabisay shirkan kaasi oo lagu qaban doono dalka Tanzania”

“Garsoorayaasheena iyo kuwa Kenya ayaa tababar wada qaadanaya, aniga iyo guddoomiyaha maxkamadda sare ee Kenya ayaa howsha wax ka sii wadaya ee dhanka tababarada, arrimaha guud ee dambiyada ayuuna tababarka ku saabsanyahay”

Sidoo kale waxa uu sheegay in lagu falanqeeyo arrimaha ku aadan hadii ay dhibaatooyinka dhanka xuquuqda aadanaha ay geystaan madaxda Afrika.

Shirkaan ka dhacay dalka Tanzania ayaa noqonaya sanadkii Labaad oo la qabanayo, waana shir sanadle ah isaga, billawdayna sanadkii tagay ee 2014-ka.

Goobjoog News