U bood dhigaalka

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Puntland Oo Sheegay In La Hormarinayo Kalluunka Iyo Xoolaha Loo Dhoofiyo Dibadda (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

MG_8430Cabdiraxmaan Warsame Jaamac oo ah gudoomiyaha cusub ee Rugta Ganacsiga Puntland ayaa sheegay in hormarin lagu sameyn doono Kalluunka iyo Xoolaha loo dhoofiyo qaar ka mid ah wadamada caalamka.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha in marka hore ay xoojin doonaan xiriirka kala dhaxeeya ka rug ahaan ganacsatada Soomaaliyeed ee ku kala sugan magaalooyinka kale ee dalka.

“Rugtaan waxa ay ka shaqeyn doontaan in ay xoojiso xiriirka ka dhaxeeya ganacsatada Soomaaliyeed, sidoo kale waxaan rabnaa in aan ka hormarino sida hadda ay yihiin dhoofinta Kalluunka iyo Xoolaha, wadanka oo dhan ayeeynu la wadaagi donnaa xiriirka ganacsi, waxaana inoo diyaarsan markii aynu howshaan la wareegno qorsheyaal cusub” ayuu yiri gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Puntland.

Cabdiraxmaan Warsame Jaamac ayaa dhawaan loo doortay inuu noqdo guddoomiyaha rugta ganacsiga Puntland kadib doorasho ka dhacday magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari.

Halkaan Hoose ka dhageyso Wareysiga.

Goobjoog News