U bood dhigaalka

Gudoomiyahii Degmada Afgooye Iyo Ku Xigeenkiisa Dhanka Amniga Oo Xilka Laga Qaaday

Sheeko:Dalka

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa xil ka qaadis ku sameeyay gudoomiyahii degmada Afgooye iyo ku xigeenkiisa dhanka amniga kadib khilaaf maalmahaan jiray.

Cabdiqani Yuusuf oo ah gudoomiyahii xilka laga qaaday ayaa Goobjoog News u xaqiijiyay xil ka qaadista lagu sameeyay isaga iyo ku xigeenkiisa dhanka amniga.

Xilka gudoomiye ee degmada Afgooye ayuu sheegay in loo magacaabay shaqsi magaciisa lagu soo koobay Caalimow, halka ku xigeenka dhanka amniga loo magacaabay Mahdi Axmed Xasan oo mar xilkaasi kasoo qabtay isla degmada Afgooye.

Waxa uu sheegay Mr. Cabdi Qani in sababta xilkaan looga qaaday ay tahay culeys maalmihii ugu dambeeyay uu kala kulmayey maamulka Konfur Galbeed iyo khilaaf maamulka dhexdiisa ah oo jiray.

Dhinaca kale gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga maamulka degmada Afgooye ee hadda la magacaabay Mahdi Xasan ayaa u sheegay Goobjoog News inuu aad ugu faraxsan yahay qabashada xilkaan, waxaana uu ballan qaaday in amniga degmada Afgooye uu wax badan ka qaban doono.

Tani ayaa ka dambeysay kadib markii maalmihii ugu dambeeyay uu faraha ka baxay amniga guud ee degmada Afgooye.

Goobjoog News