U bood dhigaalka

Gudoomiyahii Hore Ee Gedo Oo Ciidan Badan La Tagay Duleedka Garbahaarey Iyo Xiisad Ka Billaabatay Degmadaasi

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya degmada Garbahaarey ee gobalka Gedo ayaa waxay sheegayaan in gudoomiyahii hore ee gobalkaasi Maxamed Cabdi Kaliil iyo ciidamo badan oo uu wato ay dul fariisteen degmadaasi, taasi oo xiisad dhalisay.

Ciidamada maamulka Garbahaarey ayaa la sheegay in ay iyaguna difaacyo ka xirteen degmadaasi, waxaana la tilmaamayaa in xaaladda ay tahay mid aad u kacsan.

Qof ku sugan degmada Garbahaarey ayaa u sheegay Goobjoog News, in Kaliil loo diidan yahay inuu gudaha u galo degmada Garbahaarey, waana midda xiisaddaan keentay.

Kaliil ayaa markii laga soo eryay degmada Doolow ee la keenay magaalada Muqdisho uu dib ugu laabtay degmada Ceel-waaq ee Gedo, halkaasi oo uu ka sameeyay abaabul ciidan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News