U bood dhigaalka

Gudoomiyahii Hore Ee Xerada Qaxootiga Kaakuma Oo Ka Deyriyay Xaaladda Soomaalida Halkaasi Ku Nool

Sheeko:Dalka

Maxamed Maxamuud Faarax oo mar gudoomiye kasoo noqday xerada Qaxootiga Kaakuma ee dalka Kenya ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog Fm ku sheegay in Soomaalida ku jira xeradaasi aysan helin wax badan oo ay xaq u leeyihiin, isaga oo ka deyriyay xaaladooda nololeed.

Mas’uulkaan oo dib ugu soo laabtay dalka ayaa sheegay in dadkaasi ay yihiin kuwo u baahan gurmad dhan walbo leh, islamarkaana dadkaasi aysan helin waxyaabo badan oo iyaga sharci ahaan leeyihiin iyo waxyaabo muhiim ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu ku eedeeyay in ay ka gaabisay kaalintii dadkaasi ku aadanaa, sida in dadkaasi ay u tagaan islamarkaana ay halkaasi kusoo kormeeraan.

Mr. Faarax ayaa ka digay hadii aan dadkaasi degdeg wax loogu qaban in ay keeni karto halis badan oo dhanka nolosha ah, islaamarkaana dowladda Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed laga doonayo in ay u istaagaan wax u qabashada dadkaasi.

Dalka Kenya waxaa ku yaalla xerooyin badan oo ay ku sugan yihiin muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo halkaasi ay ku hayso xaalad adag oo dhanka nolosha ah.

Goobjoog News