U bood dhigaalka

Gudoomiyahii Maxkamadda Sare Abuukaate Caydiid Ilka Xanaf Oo Aqbalay Xil Ka Qaadistii Lagu Sameeyay

Sheeko:Dalka

Guddoomiyahii Maxkamadda sare Abukaate Caydiid Cabdullaahi Ilka Xanaf oo saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu aqbalay xil ka qaadistii lagu sameeyay 4-tii bishan.

Ilka Xanaf ayaa sheegay in isaga oo eegaya danaha shacabka Soomaaliyeed uusan dooneyn in khilaaf saameeya dalka uu ka yimaado xilkii isaga laga qaaday.

“Hadaan ahay guddoomiyahii hore ee Maxkamadda sare, waxaan ahay nin weyn oo dalka iyo dadka waxbadan usoo shaqeeyay, hadii la tiryo u maleyn maayo in ay 60 sano ka yaraaneyso, aniga oo yar baan shaqo dowladeed ku billaabay waqtigii Ingiriiska, halganadii Soomaaliyeed ee xurnimadana waan kasoo wada qeybgalay, dalkaan wax badan baa iiga jira, dalka inuu dhismo, wax noqdo, oo mid noqdo wax badan ayaa igaga jira oo aan kasoo qabtay ama aan ku leeyahay, hadii ay sidaasi tahay kolley anigane shaqadii aan ka tegayo diyaar uma ihi in arrimo aniga shaqsi ahaan igu saabsan hadii ay ahaan lahayd dhacdo Dastuur ama mid dowladeed, dalkaan sharci buu leeyahay waana dhab, wixii sharciga ahna waa sidiisa wax xaaraan ah aniga ma xalaaleynayo, laakiin hadii aan oday nimadeeda aan eego danta dalka iyo dadka wax aniga igu saabsan dhibaatadeed dalka wax uma noqonayo mana burburinayo, hadiiba aan intaasi shaqeynayey aniga waan nasanayaa, waan isaga tagayaa shaqada kama tagayee waan ogaanayaa la soconayaa waana ku dhawaanayaa, waxaan halkaan imid 1994 waxaana u imid midnimada dalka illaa haddana waan waday, xildhibaan, Wasiir, Ra’iisul wasaare ku xigeen baan soo noqday dalka intaas oo dhan waan usoo shaqeynayey wax badanna mushaar waan ka qaatay, dalka dhibaato u gaari mayso shaqo aan sii haayo” ayuu yiri Ilka Xanaf.

Wareegto kasoo baxday madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya 4-tii bishan waxaa xilka looga qaaday guddoomiyaha maxkamadda sare Abukaate Cabdullaahi Caydiid Ilka Xanaf iyadoo mas’uul cusubna la magacaabay.

Goobjoog News