U bood dhigaalka

Gudoomiye Abuukar “Waan Ku Faraxsanahay Soo Qaadashada Laacib Feysal Xaashi”

Sheeko:Cayaaraha

Guddoomiyaha naadiga dowladda hoose ee Muqdisho City Club Abuukar Maxamed Sheekh ayaa kooxdiisa kusoo dhaweeyay xidigihii kooxaha L.L.P Jeenyo iyo Dekeddaha Feysal Xasan Xaashi,isagoo sheegay in maamul ahaan ay ku faraxsanyihiin soo qaadashada laacibkan.

Feysal Xaashi waa laacib aad u wanaagsan wuxuu ka mid yahay ciyaaryahanada dhan walba ka dhisan kusoo biiritaankiisa halkan waxaa aad ugu riyaaqsan dhamaan qoyska Muqdisho City Club ” ayuu guddoomiyaha kooxda dowladda hoose Abukar Maxamed Sheekh ugu waramay Goobjoog Sports.

Feysal Xasan Xaashi ayaa kusoo baxay tartanka kubbadda cagta degmooyinka 2014,isagoo ka tirsanaa kooxda degmada Wart-Nabadda intaa ka dib waxaa u dheelay naadiga Jeenyo inta uu joogay L.L.P Jeenyo waxa uu ku guulaystay koobka Jeneraal Daa’uud iyo gool dhallinta horyaalka sanadii 2015-2016.

“Waan ku faraxsanahay is badalka aan sameeyay iyo go’aankii aan ugu soo biiray kooxda dowladda hoose ee Muqdisho City Club waxaa la igu soo dhaweeyay si heer sare,balse waqtiga soo aadan ayaan u abaal gudi doonaan taageerayaasha,maamulka iyo saaxiibayada M.C.C” ayuu Goobjoog ugu waramay Feysal.

Labadii sano lasoo dhaafay ciyaaryahan Feysal Xasan Xaashi waxaa kaalin wanaagsan kasoo qaatay kooxda Dekedaha oo kula guulaystay horyaalka Somalia Premier League iyo Somalia Super 2018,isagoo sidoo kale kaalama hore kasoo galay gool dhalinta horyaalka Soomaaliya.

“Wax qabad wanaagsan ayuu soo bandhigay Feysal Xaashi labadii sano u danbeesay,sababta nagu dhalisay in aan soo qaadano ayaa ah in uu nala samaynayo tariikh iyo sooyaal cusub” ayuu hadalkiisa sii raaciyay guddoomiyaha kooxda Muqdisho City Club Abukar Maxamed Sheekh.

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle