U bood dhigaalka

Gudoomiye Jawaari Iyo Gudiyada Joogtada Ah Ee Baarlamaanka Oo Kulmay

Sheeko:Dalka

JawaariGudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa shir gudoomiyay kulan arimo badan looga hadlay oo ay yeesheen gudiyada joogtada ah ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Kulankaan oo arimo badan lagu falanqeynayay waxaa ku wada sugnaa dhamaan gudoomiyaasha gudiyada Joogtada ah, iyadoo arimaha laga hadlay ay ka mid ahayd shaqooyin badan oo Baarlamaanka laga sugayo.

Xoghayaha guud ee Baarlamaanka Cabdi Kariin Xaaji Cabdi Buux ayaa sheegay in kulankaan uu ahaa mid looga hadlay arimaha ku aadan shuruuc badan oo horyaala baarlamaanka iyo sida loo kala hormarin lahaa.

Sidoo kale kulankaan inta uu socday waxaa warbixino looga dhageystay gudoomiyaasha gudiyada Doorashada iyo Asxaabta Siyaasadeed ee dalka, iyagoona faah faahiyay waxyaabaha u qabsoomay.

Baarlamaanka Soomaaliya waxaa looga fadhiyaa shaqooyin badan in ay qabtaan ka hor 2016, waxaana ka mid ah waxyaabaha horyaala arinta Dastuurka KMG ee dalka.

 Goobjoog News