U bood dhigaalka

Gudoomiye Jawaari Iyo Safiirka Shiinaha Ee Soomaaliya Oo Arimo Dhowr ah Ka Wada Hadlay

Sheeko:Dalka

JawaariMagaalada Muqdisho waxaa maanta kulan ku yeeshay Gudoomiyaha Baaramaanka Ahna ku simaha Madaxweynaha Dalka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo safiirka dowladda Shiinaha ee Soomaaliya, iyaga oo arimo badan ka wada hadlay.

Kulankaan ayaa markii uu soo gaba gaboobay waxa ay si wadajir ah saxaafadda uga warbixiyeen waxyaabihii ay ka wada hadleen, iyadoo hadalka uu ku hormaray Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Jawaari ayaa sheegay in waxyaabaha ugu horeeya ay ka wada hadleen ahayd arinta ku aadan xiriirka Labada dala oo xilligaan meel wanaagsan maraya iyo sidoo kale salaan uu safiirka ka waday Gudoomiyaha Baarlamaanka ee Shiinaha.

Dhinaca Kale Safirka Shiinaha ee Soomaaliya oo isna hadlay waxa uu baarlamaanka dalka ku amaanay sida ay shaqooyinkooda u wataan iyo sidoo kale in ay meel mariyeen sharciyo badan oo dalka Muhiim u ahaa.

Dowladda Shiinaha ayaa hadda wada qorshe ay dib ugu xoojineyso xiriirkii kala dhaxeeyay Soomaaliya, waxaana horay ay dalka uga fulisay mashaariic badan inkastoo dagaaladii sokeeye ay ku baaba’een mashaariicdaasi.

Goobjoog News