U bood dhigaalka

Gudoomiye Jawaari “Muwaadin Walba Oo Soomaaliyeed Waxaa Waajib Ku Ah Iney Gacan Siiyaan Ciidamada Ammaanka”

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa tacsi u diray shacabka Soomaaliyeed ee ay ehelladooda ku wax yeeloobeen qaraxyadii khasaaraha badan dhaliyay ee ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN, hor iyo horaan waxaan doonayaa inaan halkaan tacsi ugu diro shacabka ay ehelladooda ku geeriyoodeen weerarrada argigixisanimo ee ka dhacay magaalada Baydhabo runtii waa ficil sheydaan oo aan raad ku laheyn diinta Islaamka waana ficil Alle ka fogaansho midka ugu xun in dad muslimiin ah oo aan waxba galabsan la laayo oo dhiigooda la daadiyo” ayuu hadalkiisa ku bilaabay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari”.

Marka la eego ficilladii ugu dambeeyey ee ay argigixisada ka sameeyaan Soomaaliya sida magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo waxaa bartilmaameed looga dhigtay goobaha ay bulshadu isugu timaado waxaana ay sii cadeynayaan sida ay argigixisada uga go’antahay leynta umadda Soomaaliyeed saa daraadeed waxaa muwaadin walba oo Soomaaliyeed waajib ku ah iney Ciidammada ammaanka ku gacan siiyaan sugidda amniga,waana waajib muqadas ah oo saaran qof walba oo Soomaali ah” ayuu hadalkiisa raaciyey Guddoomiye Jawaari.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa tilmaamay in argigixisada looga adkaan karo marka ay shacabka iyo Ciidammada ammaanku si wadajir ah u howlgallaan waxaana uu Alle ka baryey in umadda Soomaaliyeed uu waafajiyo guusha u muuqata.

—-DHAMMAAD—-

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Guddoonka Baarlamaanka