U bood dhigaalka

Gudoomiye Jawaari oo ka hadlay buuqii shalay ka dhacay xarunta golaha shacabka iyo Fariin uu diray (MUUQAAL)

Sheeko:Dalka

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo muuqaal soo duubay ayaa ka hadlay arintii buuqa ahayd ee shalay ka dhacay baarlamaanka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed uu u xaqiijinaayo in ay leeyihiin baarlamaank isku filan, kaa oo mareyn kara siyaasadda dalka lagu hogaaminaayo.

Baarlamaanka ayuu sheegay in si adag lagu dhisay oo aan la kala fur furin karin xildhibaanada baarlamaanka, oo uu sheegay inay yihiin kuwo shaqo wanaagsan umadda u haaya.

Xildhibaanada waxa uu tilmaamay inay ku mideysanyihiin hal uljeedo oo ah in dalka la gaarsiiyo doorasho dhacda 2016.

Arintii shalay ka dhacday baarlamaanka ayuu ku sheegay gudoomiye Jawaari in ay tahay mid caadi ah, islamarkaana Dhacdadaasi aysan saameyn ku yeelan doonin howlaha ay xildhibaanada shacabka u hayaan, isaga oo hadalkiisa raaciyay in baarlamaanada caalamkaba sidaasi ay ka dhacdo.

Shaqooyinka horyaala baarlamaanka ayuu sheegay in si deg deg ah loo qaban doono, sidoo kale baarlamaanka uu leeyahay xeer hoosaad, cidii ku xadgudubtaana laga qaadayo talaabada xeerkaasi uu qabo.

Halkaan hoose ka daawo muuqaalka.

Muuqaalkaan waxaan kasoo xiganay warbaahinta dowladda.