U bood dhigaalka

Gudoomiye Jawaari Oo Ku Booriyay Xildhibaannada Baarlamaanka Ka Mid Noqoshada Baarlamaanka Cusub

Sheeko:Baarlamaanka

Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maalintii Sabtidii 6 January isugu yimid kalfadhigii 7 kulankiisii 32-aad, iyadoo kulankaas uu shir guddoominayay guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Guddoomiyaha ayaa ugu horeyn hadalka qaatay waxaa uu xildhibaanada xasuusiyay wakhtiga yar ee u harsan iyo howsha Ballaaran ee hortaalla, waxa uu tilmaamay in kalfadhiga todobaad soo gabagaboobi doono 26 February, waxa uu xildhibaanada u sheegay in fasaxu uu yahay bil qura islamarkaana la isku soo laaban doono 25 bisha March ee soo aadan.

“Fasaxu markii horeba ma ahayn inaan Mareykanka tagno laakiin waxa uu ahaa inaan gaarno degaanada doorashooyinka xildhibaanku uu matalo” mar uu u jawaabayay xildhaabno muran ka keenay wakhtiga fasaxa oo kooban darteed.

Guddoomiyaha Baarlamaanku waxa uu xildhibaanada kula dardaarmay in wakhtiga fasaxa uga faa’iideystaan ololaha dib u doorashada beelahoodana ka raadsadaan sidii mar kale ay uga mid noqon lahaayeen xubnaha Baarlamaanka.

“Kalfadhiga 8-aad ee soo aadan waxa uu ku egyahay illaa bisha June,iyadoo bisha 7-aad iyo 8-aad ay noqoneyso bilo mashquul badan oo aan wax sidaas ah la qaban Karin maadaama ay xildhibaanadu soo dhacsan doonaan kuraastooda xildhibaanimo” gudoomiye Jawaari ayaa sidaasi yiri.

Si kastaba xilliga baarlamaanka ayaa ku eg guud ahaanba bisha Augost 2016 oo ay ku egyahay madasha Baarlamanka Fedraalka ah iyo Wakhtigii loo igmaday intaba.

Goobjoog News