U bood dhigaalka

Suldaan Cabdikariin Maxamuud “Anaga ayaa ku baxayna colaada Mudug” (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Suldaan Cabdikariin Maxamuud Dagal oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay ku bixi doonaan colaad ka taagan deegaano ka mid ah gobalka Mudug.

Waxa uu sheegay Suldaanka in ay aad uga xunyihiin colaadaan, isaga oo tilmaamay in xilligaan shacabka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo aan dib dagaal isugu noqon.

Odayaasha iyo waxgaradka Gal-mudug ayuu sheegay in haad awaajib xoogan ay ka saaran tahay sidii ay ku xalin lahaayeen colaadaan, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dhanka kale waxa uu sheegay in xiriir ay la sameynayaan Odayaasha Labada dhinac ee halkaasi ku dhaw si loo xaliyo khilaafka jira.

Dagaal u dhaxeeya beelo walaalo ah ayaa ka jira deegaan hoostaga degmada Xarardheere ee gobalka Mudug, waxaana halkaasi ka dhashay qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Halkaan hoose ka dhageyso

Goobjoog News