U bood dhigaalka

Guddoomiye Kaliil “Fartaag Waxaan Isku Af Garanay In Shir Siyaasadeed La Qabto”

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM ayaa dhawaan la wareegay gacan ku haynta degmada Baardheere ee gobalka Gedo, halkaasi oo muddo badan maamulayeen Al-shabaab ayaa durba waxaa soo baxayay kala aragti duwanaansho soo kala dhex gashay maamulka gobalka Gedo iyo mas’uuliyiinta Jubbaland, taasi oo ku aadan maamulka Baardheere iyo arimo kale oo gobalka ku saabsan.

Kulan shalay ka dhacay Magaalada Baardheere oo u dhaxeeyey Madaxweyne Ku xigeenka Koowaad ee Jubbaland Cabdulaahi sheekh Ismaaciil Farataag oo maalin kahor gaaray degmada ,Gudoomiyaha gobalka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil. Siyaasi Maxamuud Sayid Aden iyo Cabdi Bare Cabdi, waxaana looga wada hadlayay arimaha la xariira cidda xaqa u leh maamul u sameynta, siidii loo xalin lahaa khilaafka siyaasadeed qabsashadii Baardheere ka dib, iyo astaanta ay qaadan doonaan Ciidamada dowladda Federaalka iyo Ahlu-sunna.

Kulanka ayaa dhinaca Dowlada Soomaaliya waxaa matalayay Maxamed Cabdi Kaliil oo ah Gudoomiyaha Gobolka Gedo,Siyaasiga Maxamuud Sayid Aden,Sheekh Maxamed Aw-Libaax oo ka mid ah Mas’uuliyiinta Ahlu Sunna, Cabdi Bare Cabdi iyo xuno kale oo isugu jira Mas’uuliyiin iyo saraakiil Ciidan.

Kulankasi ka dib Maxamed Cabdi Kaliil oo ah Gudoomiyaha Gobolka Gedo oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in gabagabada kulanooda ay kasoo baxeen labo qodob oo kala ah in dib loo dhigo arimaha ku saabsan Jubbaland, shir siyaasadeedna la qabto, Ciiidanka hadda ka howlgalaya Magaalada Baardheerena ay yahiin Ciidamada Dowlada Soomaaliya.

“Waxaan Fartaag ku heshiinay in Arimaha Jubbaland dib loo dhigo, lana qabto shir siyaasadeed, lagana wada fekaro aayaha shacabka gobalka Gedo” ayuu yiri Kaliil.

Gudoomiye Kaliil ayaa muddoyinkii ugu dambeeyay ka mid ahaa siyaasiyiinta sida cad uga soo horjeeda maamulka Jubbaland, inkaroo mar uu tagay magaalada Kismaayo, wada hadalna lasoo galay madaxweynaha Jubbaland.

Goobjoog News