U bood dhigaalka

Gudoomiye Kaliil “Baarlamaanka Federaalka Waan Ku Taageernay Go’aankii Uu Ku Diiday Golaha Wakiilada Jubbland”

Sheeko:Dalka

Gudoomiyaha gobalka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil ayaa soo dhaweeyay go’aankii Baarlamaanka Soomaaliya 6-dii bishan ka qaatay golaha wakiilada ee Jubbaland.

Waxa uu sheegay Kaliil in ka maamul ahaan ay soo dhaweynayaan go’aankaasi, islamarkaana ay baarlamaanka Soomaaliya ku amaanayaan go’aankaasi ay qaateen.

“Baarlamaanka Federaalka waan ku taageernay go’aankii uu ku diiday golaha wakiilada Jubbaland, maxaa yeelay xildhibaanada waxa ay ahaayeen kuwo Axmed Madoobe uu si gaar ah u keensaday, waana arrin baarlamaanka Federaalka lagu amaanayo” ayuu yiri Kaliil.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Gedo ayaa ku eedeeyay maamulka Jubbaland in tacadiyo ay ka geystaan magaalada Kismaayo, islamarkaana ay bartilmaameed ka dhigtaan dadka shacabka ah, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa u codeeyay sabtidii aynu soo dhaafnay mooshinka ka yaallay baarlamaanka Jubbaland, iyadoo taasi ay keentay in Jubbaland ay xiriirka u jartay dowladda Federaalka.

Goobjoog News