U bood dhigaalka

Gudoomiye Ku Xigeenada Koowaad Iyo Labaad Ee Baarlamaanka Galmudug Oo La Doortay

Sheeko:Dalka

Waxaa goor dhaw magaalada Cadaado kusoo gabagabowday doorashada gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Galmudug, oo ayu tartamayeen Seddax Musharrax.

Wareega Koowaad ee Doorashada ayaa lagu kala baxay, waxaana guuleystay Musharaxa Xareed Cali Xareed.

Guddiga doorashada ayaa natiijadaan ku dhawaaqay waxaana codadka loo kala helay sidaan:-

1-Xareed Cali Xareed oo helay Codad gaaraya 58-Cod

2-Musharax Maxamed Xasan Xuseen ayaa helay Codad gaaraya 21-Cod

3-Cabdulaahi Xirsi Maxamed ayaa isna helay 3 Cod.

Dhinaca kale Maxamed Sheekh Maalin ayaa isna noqday gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Galmudug, isaga oo aanay jirin musharrax la tartamayay.

Maanta oo Sabti ah 27-ka June, waxaa si rasmi ah loo doortay gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug iyo sidoo kale ku xigeenada Koowaad iyo Labaad.

Goobjoog News