U bood dhigaalka

Gudoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Oo Kampala Siminaar Uga Furay Gudoomiyeyaasha Guddiyada Iyo Ku Xigeennadooda

Sheeko:War

Gudoomiye ku xigeenka koobaad ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka

Soomaaliya Mudane Jeeylaani Nuur Iikar ayaa maanta magaalada Kampala ee

caasimadda dalka Uganda siminaar uga furay Gudoomiyeyaasha Guddiyada

Joogtada ah ee Baarlamaanka,Ku xigeennadooda iyo Habdhowrayaasha Golaha

Munaasabadda furitaanka siminaarkan sare loogu qaadayo aqoonta Guddiga

Joogtada ah ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ka dhacday hotelka Grand

Imperial Hotel ee magaalada Kampala waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka

socotay Baarlamaanka Uganda iyo Hay’ada AWEPA oo iyadu siminaarkan

Hadal kooban oo uu ka jeediyey furitaanka Munaasabadda Mudane Jeeylaani

Nuur Iikar Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka Federaalka

Soomaaliya ayuu ugu horeyn tacsi u diray isaga oo ku hadlaya

magaciisa,magaca Guddoonka iyo magaca Xildhibaannada Golaha Shacabka

XIldhibaan Maxamuud Seey Seey oo uu uga tacsiyadeeyey geerida ku timid

Allaha u naxariistee Maxamed Maxamuud Seey Seey oo ka mid ahaa

Howlwadeennada Baarlamaanka islamarkaana ku dhaawacmay weerarkii lagu

dilay Allaha u naxariistee XIldhibaan Xeyd.

Dhinaca kale Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka Federaalka

Soomaaliya Mudane Jeeylaani Nuur Iikar ayaa xusay in siminaarkan uu

hordhac u yahay SIminaarro ay magaaladan Kampala ku qaadanayaan inta lagu

jiro fasaxa Baarlamaanka Xildhibaannada iyo Guddiyada kala duwan ee

Baarlamaanka si aqoontooda loo kordhiyo waxaana uu u mahad celiyey

hay’adda AWEPA oo siminaarradan fududeyneysa iyo Baarlamaanka dalka

Uganda.

 

—DHAMAAD—