U bood dhigaalka

Gudoomiye Ku Xigeenka Gobalka Togdheer Oo Iska Difaacay Eedeyn Kaga Timid Gudoomiyaha Maxkamadda Gobalkaasi

Sheeko:Dalka

Gudoomiye ku xigeenka gobalka Togdheer Maxamed Diiriye ayaa iska fogeeyay eedeyn dhawaan kaga timid gudoomiyaha Maxkamadda gobalkaasi, taasi oo ku aadan in xafiiskiisa uu yahay mid loogu shaqeeyo dadka siyaasiyiinta ah, islamarkaana aan loogu shaqeyn dadka shacabka ah.

Maxamed Diiriye ayaa sheegay in hadalkaasi aanu waxba kama jirin, islamarkaana la doonayo in lagu dhaawaco sumcadiisa iyo shaqada uu bulshada u hayo waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxa uu sheegay gudoomiye ku xigeenka in gudoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland laga doonayo in uu soo diro guddi kormeer ah, kaasi oo baara waxa ka jira eedeyntaasi isaga loo jeediyay.

“Waxaan leeyahay eedeynta uu ii soo jeediyay gudoomiyaha Maxkamadda gobalka Togdheer waxba kama jiraan, xafiiskayga shacabka ayaa loogu adeegaa, waxaan kaloo leeyahay Maxkamadda sare, gaar ahaan gudoomiyaha Maxkamaddaasi in lasoo diro guddi xaqiiqo raadin ah oo baara sida ay wax u jiraan” ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka gobalka Togdheer.

Waxaa maalmihii ugu dambeeyay soo badanayay muranka ka dhaxeeya gudoomiye ku xigeenka gobalka Togdheer iyo sidoo kale mas’uuliyiinta maxkamadda gobalkaasi.

Goobjoog News