U bood dhigaalka

Gudoomiye Muungaab “Waxaan Ugu Yaboohay Gurmadka Dadka Soomaaliyeed Ee Yemen Lacag Dhan 12-kun Oo Doolar”

Sheeko:Dalka

Gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa goor dhaw qadka taleefanka uga soo qeybgalay barnaamijka taburacaad loogu uruurinayo walaalaha Soomaaliyeed ee ku dhibban dalka Yemen.

Gudoomiyaha ayaa ugu horeen waxa uu u mahad celiyay Idaacadda Goobjoog oo bilawday barnaamijkaan iyo in shacabka Soomaaliyeed ay usoo kiciso sidii ay dadkooda ugu gurman lahaayeen.

Muungaab ayaa sheegay in uu ku yaboohay lacag dhan 12-kun oo doolar, taasi oo ah mushaarkiisa Laba Bil.

Dhinaca kale gudoomiye Muungaab ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay ka qeyb qaadan doonaan gurmad u fidinta dadka Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho kusoo wajahan sida dib u dejinta iyo soo dhaweynta dadkaasi.

Cid walba oo Soomaaliyeed waa maalintii loo baahnaa in ay u gurmadaan walaalahooda Soomaaliyeed ee ku dhibban dalka Yemen kuwaasi oo dushooda lagu dagaallamayo.

Dhageystayaasha Goobjoog news ee ku sugan dalka gudahiisa iyo dibadiisa waxa ay inoo soo wici karaan sidan:-

Ganacsatada: 0616564444

Dadweynaha: 0615525758

Dadka dibadda: 0617073557

Waxaad lacagta lagu shubi karaa

  • AccountigaSalaama: MQD 0028404
  • AccountigaDahabshiil: 3058178
  • TeleefanEVC ah: 0617885353

Dadka dibadaha jooga waxay lacagaha si toos ah ugu soo diri karaan Gudoomiyaha gudiga Sheekh Nuur Baaruud oo laga helo: 0615303738 ama Marwo Batuulo Gabale, gudoomiye ku xigeenka gudigan oo laga helo: 0618949960

Goobjoog News