U bood dhigaalka

Gurbiye: Maxaa Keenay Inuu Farmaajo Fashilmo, Qarankana Dib Ugu Celiyo 2016?

Sheeko:Amniga

Afar sano kadib, in Farmaajo isticmaalo isla nidaamkii doorasho iyo tabtii uu dejiyey madaxweynihii ka horeeyey Xasan Sheekh Maxamuud, oo aan waxba laga bedelin waxay tusaale u tahay sida Farmaajo ay u heshay aragti iyo barnaamij la’aan iyo sida shacabka Soomaaliyeed ugu hungoobeen filashadii laga iibiyey!

Qormadan, waxaan ku eegi-doonaa, maxaa keenay in Farmaajo uu sidaasi u fashilmo, qaranka uu dib ugu celiyo tabtii Xasan Sheekh iyo 2016-kii.

Farmaajo, Ajendaha iyo Qorshaha Uguma Jirin Qof iyo Cod:  Maxamed Cabdullahi Farmaajo xilligii uu murashaxa ahaa waxaa uu khudbad dheer iyo barnaamij ka horjeediyey baarlamaanka federaalka ah. Khudbaddaasi  ama ajendihiisa maalinta 1-aadba ugama hadal doorasho oo dhan iska daa doorasho qof iyo cod ahe, taasi oo ku tusineysa meesha uu u socday iyo qorshe la’aanta heysay!

Abuuris Filasho oo Been Ah: Farmaajo waxaa uu dadka iyo dalka Soomaaliyeed geliyey filasho, qofkii la socday sida loo soo dhoweeyey doorashadiisa 2017-kii, oo rajo ka lahaa ka qeyb gal doorasho ballaaran, lagama dhaadhicin karin 4 sano iyo 50 qof, hade waa 50 qof ayaa 2020-ka lagu darayaa middii 2016-kii.

Guddiga Doorashada Ayuu Fulin Ugu Daray:  Farmaajo qaladka kale uu sameeyey waa isaga oo guddiga madaxabbaan ee doorashooyinka qaranka oo ah guddi farsamo u adeegsaday guddi fulin, farahana uga qaaday arrimaha doorashada 2020-ka iyo sidii qof iyo cod lagu gaari lahaa, halkii uu isaga gacmaha la geli lahaa isla markaana uu jiheyn lahaa tiiyo keentay in maanta guddigii xataa la ceyriyo.

Ma jirin Rabitaan Siyaasadeed: Farmaajo ma sameyn sharciyada doorashada, waxaa uu la dagaalay dhammaan saamileyda siyaasadda ee dalka, mana laheyn rabitaan siyaasadeed tiiyoo keentay in maanta lagu noqdo 2016.

La-dagaalidda Dowlad Goboleedyada: Farmaajo waxaa uu dagaal la galay dowlad goboleedyada Soomaaliya, Puntland ilaa Jubbaland isaga oo si dadban u diiday in awoodda la baahiyo, ma jirin wax uu reebay, taasi oo qeyb weyn ka ah in lagu noqdo 2016-kii.

Beesha caalamka, Ma Sameyn La Xisaabtan: Beesha caalamka oo ah kuwa bixiya lacagta iyo amniga doorashada, isla markaana ku wardin jirin qof iyo cod iyaguna waxay ku guuldareysteen iney iska eegtaan Farmaajo, markii ay arkeen in ninkan aanu qorshe laheyn waxay aheyd iney miiska yimaadaan, laakin ma dhicin.

Waxaa isweydiin mudan haddii tabtan uu maanta Farmaajo isticmaalayo aanu 2016-kii keeni laheyn madaxweyne Xasan Sheekh, halkee fikrad iyo nidaam doorasho ka keeni lahaa Farmaajo?!

Ugu dambeyntii, Farmaajo waxaa guuldarro ugu filan in maanta uu dalka ku celiyey 2016-kii, lana aaday doorasho dadban,  waxaana la joogaa xiliigii uu shacabka Soomaaliyeed la hadli lahaa, una sharixi lahaa sababta keentay in dib loogu noqdo 2016, yaase mas’uul ka ah  in sidan wax u dhacaan, maxayse tahay in sameeyaan kuwa ka dambeeya si aan 153 codbixiye loo dhihin 2024/2025?

W/Q: Cabdicaziz Gurbiye,