U bood dhigaalka

Guri-ceel:Isbitaalka Istarliin oo dawo yari ay soo food saartay

Sheeko:Caafimaadka

Maamulka Isbitaalka Istarliin ee degmada Guri-Ceel ayaa sheegay in walaac ay ku hayso dawo yari ka taagan Isbitaalka, taas oo saamayn ku yeelatay howsha Isbitaalka.

Agaasimaha Isbitaalkaasi Cumar Tarabi ayaa sheegay in isbitaalka ay ku jiraan hada bukaano ka kala yimid tuulooyinka fog fog ee hoos yimaada gobolka Galgaduud.

Intaas waxa uu raaciyay agaasimaha in hay’adaha sama falka uu ugu baaqayo wax ka qabashada xaalada dawada Isbitaalka.

“ Isbitaalka waxa uu la daalaa dhacayaa dawo la’aan daran. Dadka ku jira gudaha isbitaalka ayaa u dayacan daawo yarida, waxaana ka codsanaynaa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha gargaarka gaar ahaan hay’adda caafimaadka adduunka WHO in ay dawo la soo gaarto isbitaalka.” Ayuu yiri Cumar Tarabi.

Isbitaalka Istarliin ee degmada Guri-Ceel ayaa ka mid ahaa isbitaalada ay taakuleyn jirtay hay’adda MSF oo isaga baxday dalka.