U bood dhigaalka

Guriceel: Ahlu-sunna Oo Hawada Ka Saartey Radio Galgaduud

Sheeko:Dalka

Maamulka Ahlu-sunna Waljameeca ee degmada Dhuusmareeb ayaa hawada ka saarey Radio Galgaduud, xaruntiisa degmada Guriceel, iyaga oo qaatey qaar kamid ah qalabkii Idaacaddaasi.

Warar soo baxaya ayaa waxay sheegayaan in ciidamo ka tirsan Ahlu-sunna oo wata gaadiid dagaal ay habeenkii xalay ahaa galeen xarunta Idaacadda, waxaana ay damiyeen Raadiyaha iyaga oo qaatey qalab muhiim ah oo uu ka mid yahay Fm-kii Idaacadda ku shaqeyneysay iyo agab kale.

Lama oga sababta ka dambeysay in hawada laga saaro idaacadda sida Goobjoog News u sheegeen Wariyeyaasha radiyahan ka howlgala qaarkood.

Sidoo kale ma jirin wax digniin ah oo Ahlu-sunna ay siiyeen madaxda Radio Galgaduud, balse laga war helay oo kaliya iyaga oo u dhacay xarunta Idaacaddaasi.

Ahlu-sunna Waljameeca oo maamusha degmooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel ayaa marar badan waxay dhibaateeyeen wariyeyaasha iyo xarumaha warbaahinta ee deegaannadooda ka howlagala.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News