U bood dhigaalka

Guriceel Iyo B/weyne Oo Dib u Bilaabay Qaadashada Lacagta Shilin Soomaaliga

Sheeko:Dalka

Ganacsatada ku dhaqan magaalooyinka Guriceel iyo B/weyne kana kala tirsan gobollada Hiiraaan iyo Galgaduud ayaa bilaabay qaadashada lacagta shilin Soomaaliga, taasi oo maalmihii ugu dambeeyay diidanaayeen iney wax ku iibsadaan.

Maamulka Ahlu-sunna Waljameeca ee degmada Guriceel iyo sidoo kale ganacsatada ku dhaqan magaaladaasi ayaa kulamo badan kadib waxaa la isku raacay in  dadka laga qaado lacagta Shilin Soomaaliga, gaar ahaan midda saxda ah, iyadoo la diidayo lacagta been abuurka ah ee soo gashay suuqyada magaaladaasi.

Qaar kamid ah ganacsatada Guriceel ayaa dhowaan xabsi loo taxaabay kadib markii ay dadka ku amreen iney wax kaga iibsadaan oo kaliya lacagta Doolarka.

Wadahadallo dheer kadib waxaa la isku raacay in la qaatop lacagta Shilin Soomaaliga ee saxda ah iyo sidoo kale lacagaha doolarka ee Taleefannada laga tuuro.

Dhanka kale, suuqayada magaalada B/weyne ayaa maanta dib loo wada furay, waxaana la qaadanayaa lacagta shilin Soomaaliga saxda ah, iyadoo la iska diidayo midda been abuurka ah ee suuqayada magaaladaasi soo gashay.

Xarumaha ganacsiga ee magaaladaasi ayaa gabi ahaamba ah kuwo furan, waxaana hadda si caadi ah kusoo noqday ganacsigii B/weyne.

Shacabka ku dhaqan magaalooyinka B/weyne iyo Guriceel ayaa si isku mid ah usoo dhoweeyay go’aanka ganacsatada ee dib u qaadashada lacagta shilin Soomaaliga.

Goobjoog News