U bood dhigaalka

Guriceel: Saraakiil Itoobiyaan Ah Oo Kulamo La Leh Ahlu-sunna

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya degmada Guriceel ee gobalka Galgduud ayaa ku waramaya in halkaasi uu ka soconayo kulamo u dhaxeeya saraakiisha Ahlu-sunna Waljameeca iyo kuwa Itoobiyaan ah.

Kulamadaan oo albaabada u xiran ayaa socday shalay galab, habeenkii xalay ahaa illaa iyo maanta, mana jirto cid faah faahin rasmi ah ka bixisay uljeedka rasmiga ah ee kulamadaasi.

Wararka qaar oo ay heshay Goobjoog News ayaa sheegaya in laga wada hadlayo cabashada ay Ahlu-sunna ka qabto dhismaha dowlad gobaleedka Galmudug iyo arrimo kale oo la xiriira nabadgalyada Galgaduud.

Maalin kahor ayaa ciidamo badan oo Itoobiyaan ah waxa ay gaareen degmada Guriceel, waxaana ay saldhigyo ka sameysteen degmadaasi iyo deegaano kale oo ku dhaw.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News