U bood dhigaalka

Gurmad Iyo Gargaar: Makabka Nawaal Seddax Oo In Ka Badan 2-kun Oo Qof Kasoo Qaaday Dalka Yemen

Sheeko:Dalka

Markabka Nawaal Seddax ayaa in ka badan Laba Kun oo qof waxa uu kasoo qaaday magaalada Mukalla ee dalka Yemen, dadkaasi oo u badan Soomaali naftooda kala soo carartay dagaallada ka socda Yemen.

Wariyayaasheena la socda Markabkaasi ayaa soo sheegay in xalay saq dhexe ay kasoo baxeen magaalada Mukalla, islamarkaana kusoo wajahan yihiin magaalada Boosaaso ee gobalka Bari.

Dadka markabkaan uu soo qaaday ayaa u badan Haween iyo Caruur, waxaana markabka u saaran sahay loogu tala galay in ay safarka kusoo galaan.

Goobjoog News ayaa 23-kii April waxa ay bilawday barnaamijka Gurmad iyo Gargaar, kaasi oo lagu baraarujinayay shacabka Soomaaliyeed si loogu gurmado walaalahooda ku dhibban Yemen, iyadoo mira dhalka taasi uu noqday in lasoo badbaadiyo muwaadiniin Soomaaliyeed oo tiro ahaan ka badan 10-kun oo qof.

Goobjoog News