U bood dhigaalka

Gurmadka Qaraxii Soobbe Oo Lasoo Gabagabeeyay

Sheeko:Dalka

Guddiga gurmadka qaraxii Soobbe ayaa sheegay inay soo gabagabeeyeey gurmadkii ay wadeen bilihii ugu dambeeyay, kaasi oo ay ku caawinayeen dadkii uu saameeyay qaraxii Sobbe ka dhacay 14-kii October ee 2017.

Guddoomiyaha guddigaasi Cabdillaahi Maxamed Shirwac ayaa sheegay in ay hadda joojiyeen  ururinta lacagaha ayna soo afjareen howlihii gurmadka ee Qaraxii Soobbe.

Waxa uu tilmaamay in intii tabartooda ah wax u qabteen dadkii waxyeellada kasoo gaartay qaraxii Soobbe, carrurtii agoonta ahaana ay hay’ado iyo dowlado kafaalo qaadeen inay wax u qabtaan.

“Laga bilaabo bisha March, 5, 2018, guddigu wax dambe oo lacag ah uu qabanayo ma jirto, sidoo kale cabashooyinkii iyo arrimihii la xiriiray ma qaban doonno, halkaas ayaan ku ekeysiineynaa howshii aan haynnay, mana ahan inaan shaqada ka carareyno ee waxaa jira hay’ado sharci oo howshan loogu talagalay inay soo wadaan” ayuu yiri Shirwac.

Ugu dambeyn, guddoomiye Shirwac ayaa u mahadceliyey cid walbo oo kaalin ka qaadatay u gurmashada dadkii Soomaaliyeed ee waxyeellada kasoo gaartay qaraxii Soobbe.

Goobjoog News