U bood dhigaalka

Guryo Ku Burburay Dufaan Ku Dhufatay Deegaanno Ka Mid Ah Puntland

Sheeko:Dalka

Wararka laga helayo deegaanada bari ee maamulka Puntland ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay ku burbureen guryo badan, ka dib markii Duufaan ay ku dhufatay.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka Puntland ayaa sheegtay in khasaare hantiyeed badan ay halkaasi ka dhalatay, islamarkaana deegaanada ugu daran ee burburka soo gaaray ay kala yihiin Bareeda iyo Caluula.

Guryaha dumay ka sokoow waxaa kala go’ay wadooyinkii sahli lahaa hadii gurmad loo baahdo in dadkaasi degdeg lagu gaarsiiyo, waxaana jirin hadda wado loo maro deegaanadaasi.

Dufaantaan ayaa sidoo kale sababtay in qalab Kallumeysi badan sida Doonyo ay badda la tagtay, halka kuwo kalena ay burburisay.

Waxaa sidoo kale la sheegayaa in Geed Timir badan oo muddo dhulkaasi ku yaalla ay dhammaantood soo jabeen, iyadoo weli laga baqayo in khasaare kale ay halkaasi ka dhalato.

Kahor inta aanu Duufaantaan imaan ayaa maamulka Puntland waxay ku dadaaleen in dad shacabka ah ee deegaanka u ah deegaanada xeebta ah ay halkaasi degdeg uga raraan cabsi laga qabay in waxyeelo ay soo gaarto.

Goobjoog News