U bood dhigaalka

Guterres: Dalalka Geeska Afrika Waxaan Ku Taageereynaa Ka Miro-dhalinta Natiijada Heshiiska Djibouti

Sheeko:Dalka

António Guterres, xogheyaha guud ee Qaramada Midoobey ayaa soo dhoweeyey kulankii Khamiistii ka dhacay  Djibouti kaas oo dhex-maray wasiirrada arrimaha dibadda ee Eritrea, Ethiopia, Somalia iyo Djibouti.

Kulanka ayaa lagu saxiixay heshiis wada-shaqeyn oo dhex mara dalalka Eritrea, Ethiopia, Somalia iyo Djibouti, arrintaas oo ay weyn u soo dhoweysay Qaramada Midoobey.

Afhayeenka António Guterres  ayaa sheegay in heshiiska dhex maray 4ta wasiir, oo ah iskaashi iyo soo-celinta amniga iyo xasiloonida gobolka uu tallaabo fiican u yahay geeska Afrika iyo meelo ka fog.

Waxaa sidoo kale uu afhayeenka sheegay” Xogheyaha guud waxaa uu adkeeyey sida Qaramada midoobey diyaar ugu tahay inay dalakaasi geeska Afrika ku taageerto in laga miro-dhaliyo natiijada heshiiska”.

Hadalka Xogheyaha guud ee Qaramada Midoobey António Guterres ayaa waxaa uu imaanayaa iyada oo 6-dii ay bishan heshiis magaalada Djibouti ku gaareen dalalka Eritrea, Ethiopia,  Somalia iyo Djibouti.

Goobjoog News