U bood dhigaalka

Guudlaawe Oo Amray In Lasoo Xiro Raggii Kufsaday Haweeney 85 Sano Jir Ah

Sheeko:Amniga

Madaxweyne ku xigeenka maamul goboleedka Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa ammar wuxuu ku bixiyey in lasoo xiro raggii ka dambeeyey kufsiga haweeney 85 sano jir ah, kaasi oo ka dhacay xero barakac oo ku taalla magaalada Jowhar ee Shabellaha Dhexe.

Ciidamada Booliiska ayuu si gaar ah u faray iney xoojiyaan howlgallada raggan lagu doonayo, si cadaaladda loo mariyo.

Sidoo kale, madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle ayaa u ballanqaaday abaalmarin cid walbo oo gacan ka geysata sidii loo soo qaban lahaa raggaasi.

“Waxaan u ballanqaadayaa abaalmarin wanaagsan cidii gacan ka geysata soo qabashada raggan ama keenta macluumaad sahalaya in lasoo qabto, kufsigan waa mid aan horey loo arag, kuna cusub Sh/dhexe” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle.

Maalmo ka hor ciidamada Booliiska ayaa waxay magaalada Jowhar kusoo bandhigeen Saddex qof oo lagu tuhunsan yahay in kufsigaasi ay ka dambeeyeen.

Goobjoog News