U bood dhigaalka

Guudlaawe Oo Tagay Baladweyne

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in goordhaw uu magaalada gaaray madaxweynaha dowlad gobaleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.

Waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baladweyne ku soo dhaweyay qaar ka tirsan mas’uuliyiinta magaalada.

Guudlaawe ayaa waxaa socdaalkiisa magaalada Baladweyne si aad ah uga horyimid qaar ka tirsan dadka reer Hiiraan kuwaas oo tira dhowr jeer oo horay ah ka baajiyay safarro uu ku imaan lahaa magaalada.

Waxaa maanta xiran dhamaan waddooyinka magaalada, kuwaas oo lagu arkayo ciidamo dhawaan ay geeyeen Farmaajo iyo Guudlaawe.

Goor sii horeysay waxaa gudaha garoonka diyaaradaha magaalada Baladweyne lagu soo weeraray tiro madaafiic ah, kuwaas oo aan la aqoon cidda soo ridday.

Goobjoog News