U bood dhigaalka

Guul-darradii Afisyooni Kadib, Farmaajo oo Qirtay Inuu Afrika Ka Rabo Soo Celinta Kalsoonida Isaga iyo Saamileyda

Sheeko:Amniga

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo booqasho hal maalin ah ku tagay Kinshasa 19-kii bishan ayaa shir jaraa’id oo ay wada qabteen isaga iyo madaxweynaha DRC Felix Tshisekedi waxaa uu ku codsaday inuu dhexdhexaadiyo khilaafka u dhaxeeya isaga iyo saamileyda Soomaaliyeed, si loo soo celiyo kalsooni dhexmarta labada dhinac.

Farmaajo oo arrinkaas ka hadlay waxaa uu yiri “Dowladdeyda waxaa ay soo dhoweyneysaa kaalinta midowga Afrika ee fududeynta wada haddalad ay Soomaalida hormuud ka tahay, Taasi oo horseedi karta wada hadal dhammaan saamileyda Soomaaliya, hannaanka noocaas ah waxaa filayaa inuu gacan ka geysan doono soo celinta kalsoonida isla markaana uu meesha ka saari doono arrimaha muranka ka jiro sida doorashada iyo arrimaha la xiriira dowladnimada”.

Farmaajo oo 12-kii bishan labo sano ku darsaday ayaa hadalkan jeediyey xilli 7-badii April uu ka tagay shir saamileyda uga socday Afrisyooni, Xalane iyada oo wasiirkiisa warfaafinta uu sheegay maalintaas inuu burburay.

Talaabadaas ayaa waxaa ay aheyd markii 2-aad oo uu Farmaajo shir Soomaali dhexdeeda ah uu ka cararo isaga oo bilowgii February sidoo kale kasoo cararay shir isaga iyo maamul goboleedyada uga socday socday Dhuusamareeb, taasi oo natiijada noqotay in maanta uu Afrika ka raadiyo soo celinta kalsoonida isaga iyo saamileyda.

Goobjoog News